Roobow: Fahad baa igu yiri hadii lagu doorto laguma aqoonsanayo

Fahad Yasin ayaa u sheegay Roobow in hadii ku guuleysto doorashadda Koonfur Galbeed aysan dowladda Federaalka aqoonsan doonin.

Warar Keydmedia Online
Roobow: Fahad baa igu yiri hadii lagu doorto laguma aqoonsanayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Intii uu ku jiray ololaha doorashadii Koonfur Galbeed December 2018, Fahad Yasin ayaa taleefonka kula xiriiray Roobow isagoo ku sugan Baydhabo, waxuuna ku wargeliyay in dowladda Federaal aqoonsan doonin hadii dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ay Madaxweyne u doortaan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Roobow in Fahad uu u hanjabay, kuna yiri: Dowladda goob ay maamusho kuma noolaan doontid hadii iaad gasho tartanka doorashadda Koonfur Galbeed, ee aad Al-Shabaab-kii aad kasoo goosatay".

Roobow ayaa xusay in Fahad markii uu ka diiday inuu ka joogo tartanka uu usoo saarey warqad lagu soo xirayo, isagoo u aadeegsadey Ciidamada Itoobiya, oo kasoo xiray magaaladda Baydhabo xili maalmo kahartay doorashadda, taasoo Villa Somalia la rabtay inuu kusoo baxao Lafta-Gareen.

Dhowr jeer ayuu Roobow la kulmay Farmaajo, markii uu isasoo dhiibay 2017, islamarkaana u sameeyay balan-qaadyo uu ugu dambeyntii uga baxay, kuwaasoo ay kamid tahay in markii hore loo ogolaadey inuu kursiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tartamay, haddana markii dambe loo diiday.

Roobow ayaa tilmaamay in sababta loo soo afduubay ahayd in laga reebo doorashadda, haddana lagu hayo xabsi guri mudo saddex sano ah, iyadoo Villa Somalia ujeedkeedu yahay in inta uu Lafta-Gareen jooga Baydhabo lasii hayo, illaa mudo xileedkiisa ka dhameysto.

Marka uu ka hadlay hamigiisa siyaasadeed, Roobow ayaa shaaciyay inuu tartami doono si nabad ah marka lasii daayo, isagoo meesha ka saarey inuu ku laabanayo Al-Shabaab, hadii aan lagu qasbin, oo laga hor-istaagin xaqiisa muwaadinimo ee ah inuu wax dooran karo ama la dooran karo.

Afhayeenkii hore Al-Shabaab ayaa sheegay in Kooxdii uu kasoo baxay ay kamid yihiin rag ogol wadahadal, balse dowladda Farmaajo ka faa;ideysan waysay, islamarkaana ay si xun ula dhaqantay kuwii isa soo dhiibay, taasoo niyad jebisay kuwsii soo socday.

Roobow ayaa sheegay in afartii sano ee Farmaajo ay ahaayeen afar sano oo ka qasaartay dalka iyo dadka, isagoo ugu baaqey shacabka inaysan markale dib u dooran hogaamiye beenta, eexda, musuqa iyo balan-ka-baxa ku sifoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.