Dalka Ruushka oo mamnuucay Kooxaha Qowmu-luudka

Meelmarinta shacrigaan uu u codeeyay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Ruushka ayaa weli u baahan inuu meel mariyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ruushka isla-markaana uu saxiixo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin si uu sharci u noqdo.

Warar Keydmedia Online
Dalka Ruushka oo mamnuucay Kooxaha Qowmu-luudka

MOSCOW, Russia – Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Ruushka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la kordhiyo mamnuucidda waxa loogu yeero “dacaayadaha LGBT" taasoo ka dhigan in dalkaan ugu weyn adduunka dhul ahaan uu mamnuucay habdhaqanka LGBT.

Sida uu dhigayo sharcigaan cusub oo weli u baahan ansixinta Aqalka sare iyo saxiixa MW Vladimir Putin, cid kasta oo loo arko in  ay waddo isku day lagu hormarinayo ficillada “dadka isku jinsiga ah ee isku taga” waxaa ku dhici doonaa ganaax adag.

Tusaale; Qofkii jabiya sharciga waxa uu muteysan doonaa ganaax dhan 400,000 rubles oo u dhiganta ($6,600), halka shirkaddii iyana ku xad-gudubta sharciga ay wajihi karto ganaax dhan ilaa 5 milyan oo rubles oo la micno ah ($82,100), taasoo ah ganaax xooggan.

Ajaanibta iyo dadka aan waddanka u dhalan ee ku tunta sharciga lagu mamnuucay “dacaayadaha Kooxaha LGBT", (Qowmu-luud) waxa ay wajihi karaan 15 maalmood oo xarig ah iyo in laga masaafuriyo dalka kadib marka ay muddada xarigga dhameystaan.

“Aqalka Hoose oo aqriskii u dambaysay marsiiyay dood ku saabsanayd sida qaati looga taagan yahay dhaqanada xun ee reer galbeedku xayaysiiyaan ayaa la isku raacay in la mamnuuco waxkasta oo la xiriira ‘Qowmu-luudnimada’ iyo faafintooda ayuu yiri afhayeenka golaha shacabka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in reer galbeedka aysan isku caado ahayn oo ay la dagaallami doonaan dhammaan caadooyinka iyo dhaqanka xun ee reer galbeedka ee ay ugu horeyso dhiirigelinta “dadka isku jinsiga ah ee isku taga”.

Tallaabadan ayaa si weyn uga caraysiisay reer galbeedka kuwaas oo tilmaamay in Ruushku ku tuntey waxa ay ugu yeeraan dimoqraadiyadda. Arbacadii Xoghayahay Arrimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Ruushka inay joojiyaan sharciga.

Hayeeshee, hadal uu dhawaan jeediyay Putin wuxuu ku eedeeyay dalalka galbeedka in ay “u dhaqaaqeen dhanka Shaydaannimada”, isagoo tusaale u soo qaatay kor u qaadista Qowmu-luud-ka iyo arrimaha la xariira dalka isku jinsiga ah ee dalalka Yurub.

Dhanka kale, diinteenna islamaamka waxaa ay mamnuucday, in dadka isku jinsiga ah isku tagaan. Qur'aanka Kariimka wuxuu inooga warramay qowm la dhihi jiray reer Luud, waa qowm-kii loo soo diray nabi Luud Naxariisi korkiis ha ahaate ee ku caasiyay.

Qur'aanku wuxuu xusaya in qoomkaasi khaniis-nimadu ay dhaqan ahaan caadi ahayd. Wuxu Ilahay xusaya in u halaagay, Sabaabtuna ay ahayd, markii ay damcayn martidii Nabi Luud oo ahayd malaik Ilahay soo diray oo muuqa dadka leh. Alle waxaas ka magan galnay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.