RW oo shaaciyay sida kaliya ee looga adkaan karo Al-Shabaab

Madaxdii isaga ka horeysay oo wax badan kursiga ku fadhiyay ayaa baaqyo noocan ah jeediyay, kuwaasoo aan waxba ka qabsoomin.

Warar Keydmedia Online
RW oo shaaciyay sida kaliya ee looga adkaan karo Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii shalay galab ka dhacay Maqaayad ku taalla nawaaxiga Isgoyska Jubba, oo ku dhaw xarunta NISA.

Qoraal uu soo saarey Rooble ayuu ku cambaareeyay qaraxa is-miidaaminta, oo ku tilmaamay mid arxan darro ah oo muujinaya sida argagaxisadda ay uga go'an tahay marwalba dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Sida kaliya ee looga adkaan karo Kooxaha argagaxisadda ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka ay tahay inay dowladda iyo dadkeeda iska kaashadaan la dagaalankooda iyo ciribtirkooda, taasii ah wadada kaliye ee looga adkaan karo.

Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20 in ka badan kuwaasoo isagu jira shacab iyo askar kuwada sugnaa goobta Maqaayadda, halkaasoo nin isku soo xiray walxo qaraxa dadka ku haligay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.