Rooble oo eedeyn culus u jeediyay la-taliyeyaasha dowladda

Wuxuu daahfuray ROGANE kulan ku saabsan Dib u eegista, Qiimeynta iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo eedeyn culus u jeediyay la-taliyeyaasha dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble 'ROGANE' ayaa sheegay in la-taliyeyaasha Wasaaradaha oo intooda badan qaraabo kaliil lagu keenay ay ka mushahaar badan yihiin Shaqaalaha rayidka, oo ka shaqo badan.

Wuxuu hadalkan ka jeediyay kulan ku saabsan Dib u eegista, Qiimeynta iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda oo ka dhacay Muqdisho Maanta.

Rooble ayaa xusay in la-taliyeyaasha oo mushahaarkooda ay bixiyaan hay'adaha Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub aysan soo xaadirin shaqadda xafiiska ay ka diiwaan-gashan yihiin, iyadoo qaar aysan dalka joogin, sidaasi ay tahay lacagtooda akoono loogu shubo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Rooble ayaa tilmaamay in Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha la-taliyeyaasha ku qoran ay tirada ka bateen, islamarkaana uusan kala aqoon kuwa jooga iyo kuwa dalka ka maqan, ee sida micna la'aanta lacagta badan u qaata.

Wasiiradda ayaa dadka eheladooda ah ka shaqaaleysiiya xafiisyadooda, iyagoo u qaata haab la-taliye oo aan waxba ka jirin, maadaama aysan dowladda Farmaajo qaadan wax shaqaale rasmi ah afartii sano ay joogtay.

Qof kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa u sheegay Keydmedia Online in iyadoo ay mudo sanado ah joogaan dad sugayay la shaqaaleysiiyo, oo gunno kaliya la siin jiray dushooda uu Wasiir Dubbe ku shaqaaleysiiyay dhalinyaro ka yimid Somaliland.

Mushahaarka la-taliyeyaasha Madaxda sare waxay gaaraysaa $10,000 [Toban Kun oo dollar], shaqaalaha rasmiga ee dowladda kuwa heerka koowaad ee Jaamacadda waa $700, halka shaqaalaha aan rasmiga ahayn ay qaataan gunno $300 illaa $400.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.