RW Rooble “Argagixisadu waxay ka soo horjeedaan Nabadda”

Turkiga ayaa in ka abdan $400 million ku bixiyay mashaariic uu ka fuliyay dalka Soomaaliya tan iyo 2011.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble “Argagixisadu waxay ka soo horjeedaan Nabadda”

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khatar wali ku tahay xasiloonida iyo horumarka dalka, oo ku jira marxalad dib usoo kabasho ah.

Wuxuu sheegay in argagixisadu ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalka lagu horumarinayo, isagoo xusay in marnaba weerradooda ysan kahor istaagayn shacabka iyo dowladda dib u dhiska iyo horumarinta.

Rooble ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda inay dhistaan dalka, kana xoreeyaan argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo qaraxyo iyo dilal joogto ah fulinaya.

Hadalkan wuxuu Rooble sheegay kadib markii uu ku booqday isbitaalka Erdogan dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee Al-Shabaab shalay qaraxa la beegsatay.

Qaraxan oo ahaa is-miidaamin waxaa ku dhinta inta la ogyahay 5 qof, oo labo Turkiga u dhasheen, iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 14 kale, oo la dhigay Isbitaallo kala duwan oo Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.