RW Rooble iyo Guddiga FEIT oo u diyaar garoobay 14-ka April

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa booqday xarunta ay ku shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, taasi oo ku dhex taalla Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna kulamo kala duwan la qaatay danjirayaal ajaanib ah Gar-hayeennada doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble iyo Guddiga FEIT oo u diyaar garoobay 14-ka April

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kalamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BJFS.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay, wakiillada Beesha Caalamka, oo ay hor kacayeen, James Swan iyo Kate Foster, aya looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska Kate Foster, waxa ay dhawaan isku dayeen in ay Guddiga heer Federaal (FEIT), saaraan cadaadis si ay u fasaxaan afarta kursi ee Guddigu diiday ansixintooda, hayeeshee qorshahaas ayaa fashilmay.

RW Rooble, ayaa sidoo kale, kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diyaar garowga dhaarinta Xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan, ka hor inta uusan booqasho ku tagin xarunta Guddiga.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Fahad iyo Farmaajo, hoggaamiyaan ayaa u muuqda in ay ku fashilmeen in ay hor istaagaan dhaarinta Xildhibaannada, oo ay juhdi badan ku bixinayeen, waxaana xusid mudan in, in ka badan 200 oo Xildhibaan dhameystireen ku biiritaanka baarlamaanka 11-aad.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.