RW Rooble iyo midowga musharaxiinta oo kulmaya

Afhayeenka xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay galabta uu shir uga furmi doono RW Rooble iyo xubnaha golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble iyo midowga musharaxiinta oo kulmaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kulan kuhiim ah uu galabta ka dhici doono Hotel Decale ee magaalada Muqdisho, Afhayeenka ayaa sheegay in uu kulankaasi dhex mari doono RW Rooble iyo xubnaha golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

"Si loo sii ambaqaado heshiiska Febraayo 25-keeda, RW Maxamed Xuseen Rooble wuxuu galabta kula kulmi doonaa Golaha midowga murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho." ayuu yiri Maxamed Mucalimuu Afhayeenka Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay dowladdu diyaar u tahay in ay la hadasho cidkasta oo ka aragti duwan oo lagala hadlo arrimaha la xiriira doorashooyinka "DFS waxay diyaar u tahay inay lahadasho cidkasta oo ka aragti duwan danaha dalkeena & tag doorashada." ayuu sii raaciyay Afhayeenka Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.