RW Rooble oo $12 malyan ka guddoomay Safiirka Imaaraatka

Imaartaadka, ayaa ku guuleystay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu gogol-xaar u noqdo, dib u soo celinta xiriirka labada dal ee Farmaajo ula kaca u xumeeyay.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo $12 malyan ka guddoomay Safiirka Imaaraatka

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta Safiirka Imaaraatka Carabta Maxamed Al-Cushman, ka guddoomay lacag dhan $12malyan oo Dollar, taas oo ay bixisay Dawladda Imaaraatka Carabta.

Sida ay KEYDMEDIA ONLINE u sheegeen ilo xog-ogaal ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa lacagta ku guddoomay gudaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo 19 May 2022, laga saaray lacag gaareysay $9.6malyan oo doolar, oo muddo ka xayirneyd dalkaas.

Lacagtaas ayay 8 April 2018, garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho kula wareegeen ciidamo ka socday Nabad-sugidda, waxayna taasi sababtay in xirirka labada dal gaaro halkii ugu hooseysay, inkastoo RW Rooble dib u soo nooleeyay.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in lacag dhan $9.6malyan oo doolar, lagu dhigay bankiga xilli aysan caddeyn, halka ay martay tirada ka soo hartay 12 ka Malyan ee maanta lagula kala wareegay gudaha Bandkiga, taasoo shaki abuuri karta.

Xogta lacagtaan wixii kusoo kordha ka aqriso bogga wararka Keydmedia.net.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.