RW Rooble oo $200,000 u balan-qaadey reer Caabudwaaq

Shacabka magaaladda ayaa isku tashi sameeyay, oo inta badan dhisay Garoonka diyaaradaha oo 3-KM ka kooban, iyadoo aan wax taageero ah ka helin DF.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo $200,000 u balan-qaadey reer Caabudwaaq

CAABUDWAAQ - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kasoo kasoo tagey magaaladda Dhuusamareeb.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagey degmada Caabudwaaq ayaa ku qotoma sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Guriceel, waxuuna amray in si dhaqso loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay.

Wuxuu ku dhawaaqay Rooble inay Xukuumadiisa siinayso shacabka Caabudwaaq $200, 000 oo deeq ah, si loogu dhameystiri wajiga 2aad ee dhismaha Garoonka diyaaradaha magaaladda.

Rooble waxaa Safarkiisa ku weheliya Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirro, Xildhibaanno iyo madax kala duwan.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo Rooble ku tago Galmudug iyo Puntland, isagoo xal u raadinaya muranka doorashooyinka dalka oo dib u dhac ku yimid, islamarkaana la hubin in Febuary 8 Madaxweyne cusub Soomaaliya yeelan doonto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.