RW Rooble oo amar dul dhigay Bayle iyo Jamaal

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Jamaal, Wasiirka Maaliyadda Bayle iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe, ayaa looga fadhiyaa in ay lacagtaan ku shubaan bankiga Soomaaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhacday Hargeysa.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo amar dul dhigay Bayle iyo Jamaal

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kana xayirneyd Soomaaliland.

Sida lagu sheegay, war ka soo baxay Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, lacagtaas, ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta Somaliland, taas oo aan wali loo gudbin maamulka Hargaysa, isla-markaana ay muddo hor taagnaayeen Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo.

Inta badan Maamullda ayaa in muddo ah ka cabanayay, in aan si sax ah loo siin miisaanidda ay ku leeyihiin dowladda dhexe oo ah deeqo ka yimid dalal iyo hay’ado shisheeye oo loogu talo galay hormarinta mashaariicda Dowladaha xubnhaha ka ah Dowladda dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Jamaal, Wasiirka Maaliyadda Bayle iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe, ayaa looga fadhiyaa in ay lacagtaan ku shubaan bankiga Soomaaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay Hargeysa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa ku dhawaaqay, in Xukuumaddiisu bixin doonto lacag dhan hal malyan oo dollar, oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadkii ku xoolo beelay, dabkii burburiyay suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee magaalada Hargaysa.

Ganaacsatada Soomaaliyeed ee magalada Muqdisho oo dhankooda kulan la qaatay, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay, in ay qudhoodu bixin doonaan 2 Milyan oo Doollar, oo ay kaga qeyb qaadanayaan caawinta qanacsatada waqooyi ee wax yeelladu soo gaartay.

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariin Mooge Liibaan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashay dabka burburiyay suuqa Waaheen, uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dolar, inkastoo aan wali la soo af-meerin tirakoobka khasaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Jamaal iyo Wasiirka Maaliyadda Bayle, shanti sano ee la soo dhaafay waxa ay si aan qarsoodi lahayn ugu tagri falayeen, xoolaha dad weynaha, waxayna in muddo ah hor taagnaayeen lacagta ay xaqa u leeyihiin maamullada.

Keydmedia Online, waxa ay xasuusataa, bartamihii sanadkii hore, in Maamulka Hirshabeelle, uu labadan Wasiir ku eedeeyay in ay diideen fasixidda lacag uu bixiyay Bankiga adduunka, oo loogu tala galay in looga hor tago  fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Waraaq 11 May 2021, ka soo baxday, Guddi heer Wasiirro ah, oo Madaxweyne Guudlaawe u saaray hal u helidda fatahaadaha wabiga Shabeelle, ayaa lagu sheegay in lacagtaas uu RW Rooble amray bishii Janaayo 2021, hayeeshee Jamaal iyo Bayle diideen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.