RW Rooble oo berri hortagi doona Gaolaha Shacabka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hor imaan doona Golaha Shacabka BJFS 

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo berri hortagi doona Gaolaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu berri hor yimaado Golaha Shacabka isagoo laga rabo inuu hor keeno warbixin ku saabsan wax-qabadka 100 ka maalin ee Xukuumadda JFS.

Xogheynta Golaha Shacabka BJFS ayaa farriin udiray xubnaha golaha shacabka waxaana loo sheegay in Ajandaha kulanka uu yahay hal qodob oo ah Wax-qabadka 100 -ka maalin.

Farriintan ayaa lala wadaagay Xildhibaanada.

"Beri oo Arbaca ah oo ay Tar 10 February, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.

Agendaha

1. Hadal Jeedinta R/Wasaaraha - Warbixin ku Saabsan Wax - Qabadkii 100ka Maalmood ee XJFS

Saacadu waa 09:00 subaxnimo.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Xukuumadu damacsan tahay in muddo kordhin ay ka codsato Golaha Shacabka"

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.