RW Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeyb galay xafladdii Caleema Saarka madaxweynaha Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa caawa fiidkii dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka qeyb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Rooble waxa uu a kulmay intii uu halkaasi joogay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uuna si hoose ugala hadlay arrimaha muranka dhaliyay ee xumeeyay xiriirka labada waddan, sidoo kalena madaxweyne Farmaajo ayaa ka cudur daartay waraaqdii casuumaadda ee uga timid dhiggiisa Jabuuti, una wareejiyay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha sidaas ayuuna uga qeyb galay kulanka.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kulan gaara la yeeshay madaxweynaha waddanka Kenya Uhuro Kinyatta, inkastoo labada dhinac aysan waqti ku filan oo ay ku falanqeeyaan arrimaha xiriirka labada waddan aysan isku helin.

Dib usoo laabashada Rooble waxay ku soo aadeysaa xilli laguu sii siqaayo waqtigii lagu ballamay in la qabto shirkii arrimaha doorashooyinka looga hadlayay ee 20 -ka bisha la iclaamiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.