RW Rooble oo dhaq-dhaqaaq siyaasaseed kawada Muqdisho

Musharaxii labaad ayuu noqonayaa Dr C/naasir oo Rooble kula kulma Xafiiskiisa tan iyo shalay.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo dhaq-dhaqaaq siyaasaseed kawada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka bilaabay xaafiiskiisa kulamo siyaasadeed oo xal uu ugu raadinayo khilaafka ka taagan hanaanka doorashada dalka.

Rooble ayaa maanta xaafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo kamid ah Mushrixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha, kaasoo Farmaajo la tartamay doorashadii 2017.

Qoraal uu soo saarey Xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii wada kulammada wadatashi ee uu la leeyahay siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho daahfuran oo dhinacyada oo dhan ku wada qanacsan yihiin”.

Shalay ayay ahayd marki uu Ra'iisul Wasaaruhu uu marki labaad Madaxtooyada kulan kula qaatay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasoo si wayn ugu soo horjeeda habka ay wax u waddo doowladda uu Farmaajo hoggaamiyo.

Markii uu Farmaajo xilka u magacaabey September 2020, Rooble oo mudo-xileed 3 bilood ah haysta ayaa shacabka Soomaaliyeed u sameeyay balan-qaadyo dhowr ah, oo ay kamid yihiin qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, oo loo dhan yahay.

Waxba kama hirgelin balan-qaadkiisa, waxuu marey wadadii ay mareen balan-qaadyadii Farmaajo sameeyay 2017, waxaana dalka uu ka gudbay waqtigii la qaban lahaa doorashadda, waxaa taagan muran iyo is-qabqabsi uu Farmaajo mas'uul ka yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.