Rooble oo dilka Aamina la xariiriyay kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xildhibaan Aamina Maxamed loo dilay, si loo daboolo cadaaladda loo raadinayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo dilka Aamina la xariiriyay kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka muujiyay in Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, ay u dhimatay, u doodisteedii cadaaladda iyo raadintii xaqa muwaadiniinta.

RW Rooble, wuxuu sheegay in weerarrada shalay iyo xalay ka kala dhacay, Muqdisho iyo Baladweyne, ay ahaayeen kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameed-saday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.

Rooble, wuxuu sheegay, in AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed, ay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta, wuxuuna si aan gambasho lahayn, u sheegay in loo dilay kiiska Ikraan iyo in kursiga la dhaafiyo.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan”. Ayuu yiri, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wuxuu muujiyay in ay jiraan wada shaqeyn ka dhaxeysa Al-Shabaab iyo Farmaajo, halka ay sii xoogeysteen, warbixinada sheegaya in F&F, Al-Shabaab u fududeeyeen weerarkii garoonka Aadan Cadde, taasoo ay dhaafsadeen khaarijinta Xildhibaan Aamino.

RW, Rooble, wuxuu shacabka Soomaaliyeed, ugu baaqay in ay muujiyaan, feejignaan dheeri ah oo amni iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Rooble, wuxuu sheegay, in lala xisaabtami doono, oo caddaaladda la hor keeni doono, dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, wuxuuna xusay inuu diiradda saarayo dhameystirka doorashooyinka dalka, si waddanku u yeesho hoggaan taliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.