RW Rooble oo fariin u diray Musharixiinta mucaaradka

Khilaafka doorashadda ayaa caqabad ku noqday hirgelinta jadwalkii lagu heshiiyay, iyadoo uu jiro dib u dhac dalkana uu galayo marxalad adag oo dowlad la'aan ah.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo fariin u diray Musharixiinta mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqey Musharixiinta Mucaaradka inay ka tanaasulaan mowqifka ay ku diideen ka qeybgalka doorashooyinka, islamarkaana ay ogolaadaan wadahadal.

Wuxuu xusay Rooble in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay xalinta Khilaafka jira iyo qancinta siyaasiyiinta qaba tabashadda ku aadan hanaanka doorashadda dalka, oo muranka ugu wayn ka taagan yahay dhismaha gudiyadda.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay mareysaa meel khatar ah, oo sababi karta inuu wadanka dib ugu laabto halkii laga keenay 30 sano kahor hadii aan tanaasul sameyn dhinacyada iska soo horjeeda.

Isbedelka wuxuu ku imaan karaa in dalka doorasho ka dhacdo, oo dowlad cusub la dhiso taasoo ku timaad nidaam doorasho oo hufan, xor iyo xalaal ah, oo loo wada dhan yahay mucaarad iyo muxaafid.

Rooble oo Xukuumadiisa waqtiga sii dhamaanayo ayaa u muuqata inay rajo dhigtay, kadib markii albaabadii kasoo xirmeen, oo laga diiday gudiyaddii ay dhistay iyo tallaabooyinkii ay u qaadey dhinaca doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.