RW Rooble oo farriin u diray MW Xasan Sheekh

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ugu baaqay in uu iska ilaaliyo in uu dalka uu yeesho milkiile ama shaqsi si gaar ah awoodda Dowladda wax weliba uga sameysanaya.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo farriin u diray MW Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu dalka ka ilaaliyo milkiile daaha gadaashiisa ka maamula Dowladda, sidii dhacday Dowladdii uu Farmaajo hoggaaminayay ee hadda xilka banneyneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliya ee VOA, ayaa xusay in dhibaatooyinka dalka la degay ay qeyb ka tahay shaqsi aan la dooran haddana leh awood siyaasadeed, wuxuuna Xasan Sheekh xasuusiyay in isagu yahay shaqsiga la dooratay, la aaminay, lagana doonayo inuu jidka toosan ku taagnaado.

“Madaxweyne milkiile ka ilaali dalka, adiga ayaa ka masuul ah, waan kuu sheegayaa, mar 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, milkiile dalka malaha, nin ku keensaday ma jiro, Soomaali adiga ayay ku doratay, waddooyinka ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah shaqsi aan la dooran oo ku tagri-fal awoodeed sameynaya”, ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay inuu masuuliyad gaar ah iska saaro amniga dalka, waqtina galiyo kor u qaadidda dhaqaalaha, si looga baxo shaqo la’aanta baahsan ee jirta, isla-markaana ka shaqeeyo sidii afartaan sano loo sameyn lahaa maal-gashi xooggan.

Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaa si weyn loogu amnaanay dadaalkiisii ku dhawaad sideeddii bilood ee la soo dhaafay ee ku aaddanaa in dalku ka baxo firaaqa dastuuriga ah iyo xasillooni darrada, wuxuuna muddo kadib hir-galiyay doorasho uu shiddo badan ka maray.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo noqday madaxweynihii 8-aad ee dalka, ayaa isha lagu hayaa, sida uu u maareyn doono, mushkiladaha xalka u baahan ee waliba hor-tabinta leh, xilli ay xusid mudan tahay in ay jiraan eedo xooggan oo loo jeediyay muddo xileedkiisii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.