KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharixiinta ayaa qeybo kamid ah magaaladda ku shiraya, oo lagu wadaa inay kasoo saareen go'aanno ku aadan doorashadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa Maanta Muqdisho ka furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka ah.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo Ururada Bulshada Rayidka ayuu Ra'iisul wasaaruhu ka jeediyey khudbad u badnayd xal u helidda Doorashooyinka haatan ka socda dalka iyo sidi ay ugu soo idlaan lahaayeen qaab nabdoon.
Ra'iisu wasaaraha ayaa ugu horeyn kulanka ka sheegay in dalku uu ku jiro waqti doorasho isla markaana ay jiraan tabashooyin ka imanaya saamileyda siyaasadeed, Bulshada rayidka iyo beesha caalamka, taasoo uu xusay in sida ugu haboon wax looga qaban doono.
Rooble ayaa soo hadal qaaday inuu soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 9- qoddob oo ku qotoma hufnaanta arrimaha doorashooyinka aqalka hoose, isagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay inuu dhawaan magacaabi doono guddiyo ka socda bulshada rayidka oo kor joogteeya arrimaha doorashooyinka.
Ra'iisul wasaaraha soomaaliya ayaa ka warbixiyey muhiimada ay leedahay in waqtigan la diyaariyo qorshaha xilliga kala guurka, si loo horumariyo nidaamka dowladnimada, taasoo dowlada imaaneysa u fududeyneysa in ay howsheeda gudato.
Kulankan ayuu Rooble sheegay in ay filayaan in ay uga soo baxaan talooyin wax ku ool ah, si ay ula wadaagaan dowladda xigta tan iminka waqtigeedu dhacay, wuxuuna xilligan kala guurka oo kale uu ku tilmaamay midka ugu shaqada badan marka laga hadlayo hannaanka dowladnimada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.