Rooble oo ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan Galmudug

Ahlu Sunna ayaa dib usoo rogaal celis kadib ku dhawaad labo sano oo ka maqnayd Galmudug, iyadoo sanadkii horey dagaal looga saarey Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadda kasoo cuboonaatay degaanada Galmudug, taasoo khatar gelinaysa jiritaanka maamulka.

Qoraal uu soo saarey ayuu ku baaqey in la joojiyo dagaalka, islamarkaana laga fogaado wax walba oo carqaladeynaya Galmudug, oo u muuqato inay dib ugu laabanayso gacanta Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa shalay la wareegtay degmada Guriceel, iyadoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidankii dowladda Soomaaliye oo u cararay dhanka magaaladda Dhuusamareeb.

"Cid kasta oo qabta tabasho waa inay u martaa dariiqa nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubeysan iyo weerarada baal-marsan sharciga, islamarkaana halis ku ah xasiloonida, nidaamka iyo kala dambeynta," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble wuxuu sheegay in Galmudug uu ka jiro maamul sharciyad haysta, isagoo ula jeeda midka Qoor-Qoor, wuxuuna ka digay in Ahlu Sunna maamul kale ka barbar dhisto, sidii hore.

Ahlu Sunna ayaa hadda wada qorsho ay kula wareegayso goobihii iyada Al-Shabaab ka xoreysatay 10 sano kahor, oo dhiig uga daatey halgankaas, iyadoo Qoor-Qoor uu Ciidan kala yimid Muqdisho, islamarkaana Dhuusamareeb kawado abaabul dagaal.

War-saxaafadeedka Hoos ka akhriso:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.