RW Rooble oo qabanaya doorashadii uu rabey Farmaajo

Wuxuu sheegay inaan loo joojin doonin Jubbaland iyo Puntland, oo la qabanayo doorashadda, hadalkaas oo dad badan ku tilmaameen mid halis ku ah mustaqabalka umadda oo sugayay doorasho nabdoon iyo hogaan cusub.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qabanaya doorashadii uu rabey Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Saakay oo Sabti ah shaaciyay in doorashadda Baarlamaanka ay ka dhici doonto Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Muqdisho, isagoo meesha ka saarey Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Go'aankan ayuu ku dhawaaqay kadib markii xalay xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Galmudug Qoor Qoor, Hirshabeelle Guudlaawe, Koonfur Galbeed Lafta-Gareen iyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Waxay isla meel dhigeen go'aan gurracan, oo horseedi doono in dalka uu gala marxalad fowdo ah iyo inay burburto dowladnimadda mudada 20-ka sano laga soo shaqeynayay dhismaheeda tan iyo Shirkii Carta 2000.

Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu noqday hogaamiye aan go'aankiisa fulin karin, oo laga xukumo Xafiiska Madaxweynaha iyo Nabad Sugida, taasoo caddeyn uu ah inuu qaadi waayay tallaabo tanaasul ah oo ku kala dirayo gudiyadda doorashooyinka, si uu u qanciyo dhinacyada kasoo horjeeda.

Hadii doorashadda ka dhacdo Saddex Maamul Goboleed iyo Muqdisho, oo aysan qeybaha kala ee dalka ka maqan yihiin iyo Mucaaradka, maxay noqon doontaa dowladda cusub ee imaan doonto? Waa su'aal ay shacabka is waydiinayaan.

Farmaajo ma doonayo inuu sameeyo gudi hufan oo xalaal ah oo doorashadda u qabta si xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, waayo wuxuu dejistay qorshe uu kusoo laabanayo, mana doonayo inuu kursiga ka dego.

Musharixiinta Mucaaradka horey waxay u sheegeen inay qaban doonaan doorasho barbar socota mida Farmaajo, taasina ay halis gelinayso dalka amnigiisa iyo wadajirkiisa oo cago badan hadda ku taagnayn.

Hogaamiyeyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed waxay ku shaqeeyaan amarka uga yimaada Muqdisho, maadaam ay yihiin madax maqaar saar ah oo meesha ay keensatay Villa Somalia, iyadoo shacabka Soomaaliyeed wada ogyihiin sida ay u dhacday doorashadooda.

Farmaajo ayaan illaa hadda ka hadlin muranka doorashadda ka taagan iyo mushkiladda siyaasadeed uu uu ku jira dalka uu Madaxweynaha u yahay, taasina waxay muujinaysaa dhaqan kaligii-talisnimo ah.

Jubbaland iyo Puntland waa labo Maamul oo muhiim uu ah doorashadda, waxayna maqnaashiyahooda keenaysaa in dowladda la dhisayo ay Muqdisho kaliya ka taliso, caqabadna ku noqoto la dagaalanka Al-Shabaab.

Magaaladda Muqdisho waxaa ku sugan 14 musharax oo ogol wadahadal iyo xalka dhibaatada dalka ka taagan si wadajir ah loo wajaho, laakiin dhinaca Villa Somalia kama jiro rabitaan noocaas ah iyo tanaasul.

Kala qeybsanaanta iyo khilaafyada jira waxay fursad siinaysaa Al-Shabaab oo suurta-gal ah inay dib ula wareegyo meelihii sida dhabka badnayd looga saaray xili Ciidanka Mareykanka oo culeys ku ahaa Kooxdan ay baxayaan bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.