RW Rooble oo ku dhawaaqay magacaabis cusub

Rooble ayaa u hartay wax ka yar hal bil, iyadoo Xasan Sheekh uu ku jiro xulushadda Ra'iisul wasaaraha cusub oo uu haysto 30 maalmood.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ku dhawaaqay magacaabis cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa lagu shaaciyay in Rooble uu magacaabey Gudi ka kooban 7 xubin oo loo xil-saarey amniga Caleema-saarka Xasan Sheekh, taasoo dhacaysa 9-ka June.

Waxaa gudoomiye u ah Gudiga C/llaahi Maxamed Nuur, oo ah Wasiirka amniga, iyadoo ay ku jiraan Taliyeyaasha Militeriga, Booliska iyo Nabad Sugida, oo ka shaqeynaya amniga Xafladda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu qaban doono Muqdisho.

Waxaa lagu casuumey Caleema-saarka Madaxda gobolka Geeska Afrika - Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoo ay suurta-gal tahay inay yimaadaan kuwa ka baxsan qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh oo la doortay 15-kii bishan, ayaa laga sugayaa isbedel ka duwan nidaamkii hore ee Farmaajo, isagoo balan-qaadey ololihii doorashadda "Soomaaliya oo Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah".

Tareen ayuu sheegay inay tahay dowladdiisa, taasoo qof walba saaran yahay, balse arintan dad badan ayaa ka shakisan inay run tahay, maadaama saaxiibadiisa Damul Jadiid durba soo muuqdeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.