RW Rooble oo la filayo inuu la kulmo CC Shakuur

Kulanka waxuu ka dhacayaa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo ku yaalla Villa Somalia saacadaha soo socda.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la filayo inuu la kulmo CC Shakuur

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu Maanta gelinka dambe waqtiga Muqdisho la kulmo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur, oo kamid ah Musharixiinta mucaaradka.

Kulanka waxaa dalbadey Rooble oo doonaya inuu xal u raadiyo khilaafka doorashadda, waxaana dedaallada uu wado ay kusoo beegmayaan xili Garoowe ay ku kulmeen maalmo kahor gudoomiyaha Gollaha Shacabka iyo xubno katirsan Mucaaradka, oo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay kamid yihiin.

Illo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa u sheegay Keydmedia Online in Rooble iyo C/raxmaan Cabdishkuur ay wada-qadeyn doonaan, islamarkaana ay kawada hadli doonaan arrimaha doorashadda iyo khilaafka ka taagan.

Waxuu Rooble sidoo kale la balan-san yahay Musharixiinta Mucaaradka, oo qaar ku maqan Puntland, iyadoo waan-waanta socota la filayo inay kusoo biyo shubato shir ay dhinacyada ku yeelan doonaan Madaxtooyadda, kaasoo Farmaajo uu martigelin doono.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka qeybgalayso shirka, sidoo kalena lagu wada inuu Axmed Madoobe yimaado, iyadoo Musharxiinta mucaaradka horey u dalbaden in wadahadal laga galo khilaafka doorashadda, oo labo qodob salka ku haya, kuwaasoo kala ah gudiga doorashadda iyo arinta Gedo.

Lama oga in heshiis ay hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku gaari doonaan shirka soo socda, maadaama Farmaajo muujin dabacsanaan iyo rabitaan ku aadan in dalka laga saaro marxaladda cakiran ee uu ku jiro laga saaro, oo doorashada la qabto.

Gollaha Shacabka ayaa sameystay mudo kordhin hal sano oo sharci darro ah, taasoo u horseedayso Madaxweynaha inuu xafiiska joogo illaa doorasho ay dalka ka dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.