Rooble oo mar kale caddeeyay cidda dishay Xil; Aamino

War-bixinnada la xariira weerarradii Muqdhiso iyo Baladweyne ka kala dahacay 23 March 2022, waxa ay muujinayaan, jiritaanka shirqoollo siyaasadeed iyo in hay’adaha amnigu maleegeen weerarrada.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo mar kale caddeeyay cidda dishay Xil; Aamino

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa mar kale, ku celiyay in Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo 23 March 2022, lagu dilay Baladweyne, ay sababsatay gacanta Kooxda ay ku maqan tahay sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo tan iyo July 2021 maqane ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuu sheegay in amniga dalku si guud gacanta ugu jiro koox gaar ah, taasina ay keentay in wada shaqeyntii loo baahnaa ay meesha ka baxdo, wuxuuna xusay in shaqsiga isku qarxiyay Xildhibaan Aamino laga keenay gobol kale, si uu u dilo xildhibaanadda, gudahana loo galiyay xerada Lamagalaay oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Sidoo kale, RW Rooble, wuxuu ka dhawaajiyay in shaqsiga is qarxiyay ay halka uu ku sugnaa mareen in ka badan saddex Xildhibaan, Wasiirro iyo Siyaasiyiin, dhanka Al-Shabaab kaga danbi badan AUN Aamino, wuxuuna xaqiijiyay in shaqsiyaad goobta ku sugnaa ay caddeeyeen in ruuxa is qarxiyay uu dhowr mar dadka weydiiyay wax la xariira Aamino.

“Ma rumeysaneysaa Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay, oo Aamino ka danbi badan marka dhanka Al-Shabaab loo fiiriyo, waxaa la ii sheegay in qofkii soo maraba uu lahaa Aamino miyaa? Dilka Aamino waxaa ka danbeeya kuwii Ikraan dilay, maalinna cadaaladda waa la hor geyn doonaa, hadda iyo hadhowba”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhanka kale, MW Xasan Sheekh, wuxuu hore u sheegay in khaarijinta Xildhibaanadda uu ahaa dil siyaasadeed, waxa ay Xisbigiisa UPD ka ahayd xubin firfircoon, wuxuu hore ugu tilmaamay gabadhiisa oo kale, waxaana looga fadhiyaa baaritaan dhab ah iyo la xisaabtanka kuwa si ay cadaaladda u aamusiyaan u dilay AUN, Aamino Maxamed Cabdi.

War-bixinnada la xariira weerarradii Muqdhiso iyo Baladweyne ka kala dahacay 23 March 2022, waxa ay muujinayaan, jiritaanka shirqoollo siyaasadeed iyo in hay’adaha amnigu maleegeen weerarrada, iyaga oo ku ganbanaya magaca Al-Shabaab, waxaana Afartii sano ee la soo dhaafay xooggana isku milanka Kooxda iyo hoggaanka hay’adaha amniga.

Dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay dhibaato xooggan ka mari doontaa, sida ay u kala saari lahayd, ciidanka Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ee isku dhex qasan, kuwaas oo ay isku mileen eedeysane Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale oo dano gaar ah lehaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.