RW Rooble oo qarka u saaran inuu guuldareysto

Waxaa jiray labo heshiis oo doorasho oo Rooble uu la gaaray madaxda shanta dowlad goboleed ee Federaalka tan iyo bishii May 2021-ka oo aan wax miro ah ka soo bixin, taasoo keentay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada iyo khilaafyo hor leh.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qarka u saaran inuu guuldareysto

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo maray waqtiyadii ugu adkaa noloshiisa tan iyo markii uu mas'uuliyadda doorashadda kala wareegay Farmaajo bishii May ee sanadkii tagey 2021-ka.

Rooble, oo ah nin ku cusub siyaasadda ayaa loo magacaabey bishii September 2020 Ra’iisul wasaaraha dalka wax yar ka dib markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre bishii July 2020-ka, waxaana Mooshinkan Mursal u dhiibay MW hore Farmaajo.

Inkastoo uu dadaal badan sameeyay, haddana Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku guul darreystay inuu hakiyo dib u dhacyo ku yimid jadwalka kal hore, taasoo dadka siyaasadda falanqeeya ay ku micneeyeen xil-gudasho la’aantiisa iyo faragelinta joogtada ah ee Farmaajo uu ku hayo howlaha doorashadda, ee socda.

Waxaa jiray labo heshiis oo doorasho oo Rooble uu la gaaray madaxda shanta dowlad goboleed ee Federaalka tan iyo bishii May 2021-ka, kuwaasoo aan wax miro ah ka soo bixin, taasoo keentay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada, sidoo kalena sababay khilaafyo hor leh.

Gollaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ayaa horaantii bishii hore isku raacay in muddo 60 maalmood ah lagu soo gabagabeeyo doorashada, laga bilaabo 15-ka bisha Janaayo, kuna eg 25-ka bishan.

Jadwalkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka harsan 18 maalmood, iyadoo 169 Xildhibaan oo ka mid ah 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose ay ku harsan yihiin Maamulada. Tani waxay muujinaysaa fashil ku yimid doorashada.

Markasta oo doorashadu dib u dhac ku yimaado, waxaa sii badanaya wakhtiga uu Farmaajo xukunka sii hayn karo. Afartii sano ee mudo-xileedkiisa, ayaa ku ekaa bishii February ee sanadkii hore, iyadoo uusan jirin Madaxweyne kale oo la doortay. Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaatadii ugu darneyd ee taariikhda soo marta.

Farmaajo ayaa sanadkii 2021-kii sameeyay labo isku day afgambi, waxaana taasi ka dhalatay loolan adag oo u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal wasaaraha oo taageero ka heysta beesha Caalamka iyo Musharixiinta mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.