RW ROGANE oo Wasiiru dowle u xil saaray Doorashooyinka

Ra'iisul Wasaraare ROGANE ayaa soo saaray wareegto uu ugu u xil saaray dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka Wasiiru dowlaha xafiiskiisa.

Warar Keydmedia Online
RW ROGANE oo Wasiiru dowle u xil saaray Doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ROGANE ayaa u xil saaray Wasiiru Dowlaha xafiiskiisa inuu dardargeliyo howlaha doorashooyinka, sidoo kalena mas’uulka ka ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, Dowlad Goboleedyada, hey’adaha Caalamiga iyo dhammaan howlaha la xiriira habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Arrintan ayaa u muuqata in Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha ee huwan qaar kamida shaarka xafiisyada Dowladda ay ka go'antahay in ay qabtaan doorashooyinka, weliba la dadajiyo inta aan xal laga gaarin arrimaha lagu muransan yahay ee doorashooyinka la xiriira.

Shakhsigan loo magacaabay xilka dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ayaa kamid ah saaxiibada Farmaajo, waxaana muuqata in RW ROGANE la faray inuu u magacaabo Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir inuu u magacaabo shakhsiga loo igmaday inuu dar-dar geliyo howlaha doorashooyinka dalka.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.