RW Rooble oo xal hordhac ah la gaaray Cabdi Xaashi

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay in uu xal ka gaaro murankii kuraasta gobollada waqooyi

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo xal hordhac ah la gaaray Cabdi Xaashi

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada mas'uul ayaa kusoo aaday wax yar kaddib markii heshiis ay wadajir ugaareen Ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare uu dib uga laabtay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa warkan faafiyay iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada la isla gaaray ee lagu wada heshiiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.