RW Xamse oo soo kordhinaya Wasaarado cusub

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa durba la sheegayaa inuu wajahayo cadaadis ay saarayaan qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada oo ku aaddan soo xulista Golihiisa Wasiirrada, waana sababta qasbeysa in la kordhiyo tirada Wasaaradaha.

Warar Keydmedia Online
RW Xamse oo soo kordhinaya Wasaarado cusub

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah, Xukuumaada uu dhisi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa in ay ka koobnaato 30 Wasiir, waxaana la kala qaadi doonaa qeyb ka mid ah wasaaradaha shaqadooda hore loo lamaaniyay.

Xogo ay heshay Keydmedia Online, ayaa sheegaya in markii ugu horreysay la soo kordhin doono Wasaaradda degaanka oo xilligaan baahi xooggan loo qabo, halka la kala qaadi doono Wasaarado ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Tacliinta sare oo hadda hal Wasaarad isku ah.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa iyana la warinayaa in ay noqon doonto labo Wasaaradood oo kala madax bannaan, halka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uu is-baddel dhanka magaca iyo hannaanka shaqada ah uu ku dhici doono, sida xogtu sheegeyso.

Xukuumadda hadda sii dhacaysa ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneyd 27 Wasaaradood, halka ay isla tiradaas ahayd, Xukuumaddii ka horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre majaraha u hayay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa durba la sheegayaa inuu wajahayo cadaadis ay saarayaan qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada oo ku aaddan soo xulista Golihiisa Wasiirrada, waana sababta qasbeysa in la kordhiyo tirada Wasaaradaha.

Xamse, wuxuu 25 June 2022 helay kalsoonida Baarlamaanka, wuxuuna ballan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo lagu wada kalsoon yahay, taasoo diiradda saarta arrimaha hor-tabinta u baahan ee Mandate-ka Dowladda ku jira.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.