RW Xamse oo xilka kala wareegay RW hore Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse  Cabdi Barre oo 25kii Bishan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Keydmedia Online
RW Xamse oo xilka kala wareegay RW hore Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse  Cabdi Barre oo 15-kii bishaan uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Sabtigiina ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

RW Rooble, ayaa September 17, 2020, loo magacaabay xilka Wasiirka 1-aad ee dalka, hal sano, Sagaal bilood iyo 11 maalmood kadib ayuu banneeyay xafiiska, isagoo ku guuleystay inuu dalka ka hirgaliyo doorasho la isla oggolaaday natiijadeeda, taasoo uu ku muteystay ammaan gaar ah, iyadoo looga mahad-celiyay inuu dalka dhaafiyay kala-goys halis ahaa.

Dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa ay diidday in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khere, xilka ku wareejiyo RW Rooble, waxaana 27 September 2020, Rooble xafiiska ku wareejiyay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeynkii labadii xukuumad ee ugu danbeysay, tallaabadaas ayaa si weyn loo dhaliilay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha maanta xilka wareejiyay, ayaa shaqo ku-kala waregidda ka hor, si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Xukuumadda iyo Howga Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabo-gabo ah maraya, kuwaas oo ku yaalla degmada Warta-nabadda agagaarka garoonka Muqdisho Stadium.

RW Xamsa, wuxuu ballan qaaday in Xukuumaddiisu ku shaqeyn doono xaruntaan cusub, isaguna degi doono, taasioo la micno ah in caasimaddu ka bixi doonto halka waddo ee cariiriga ah isla-markaana amniga magaalada uu is baddel ku imaan doono, maadaama Xukuumaddu ku shaqeyneyso xaafado aan sanadihii tagay Dowladdu ku shaqeyn.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Xukuumaada uu dhisi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre, ay ka koobnaan doonto 30 Wasiir, oo ka dhignaan in Xukuumaddu ka Wasaarado badnaato labadii Xukuumad ee ka horreysay, waxaana la kala qaadi doonaa qeyb ka mid ah wasaaradaha shaqadooda hore loo lamaaniyay.

FARRIINTII MACASALAAMEYNTA EE RW ROOBLE.

Ku dhawaad  2 sano oo aan ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre.

Muddadii aan xafiiska joogay waxaan xoogga saarnay in ay dalka ka ka dhacdo  doorasho si nabad ah ku soo dhammaata, joogteynta adeegyada dowladda, amniga iyo la tacaalidda abaaraha dalka ka jira.

Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fursad ii siiyay in aan dalka u adeego, Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagga ii muujiyay, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  iyo cid kasta oo igu garab gashay howshii adkeyd ee aan soo galnay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xilka igala wareegay waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran, waxaanna kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed in ay garab ugu noqdaan Ra’iisul Wasaaraha ka miro dhalinta mas’uuliyaadka waaweyn ee laga sugayo.

Soomaaliya ha noolaato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.