RW Xamza oo 4 arrimood kala hadlay dowladda Kenya

Kenya ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad 4,000 oo askari, oo ka howlgala Jubbaland, halkaasoo ay ku ilaalinayaan Axmed Madoobe, oo u ah xukuumadda Nairobo saaxiib dhaw.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo 4 arrimood kala hadlay dowladda Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamza, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda Kenya, oo uu hogaaminayay Aadan Barre Ducaale, oo ah Wasiirka difaaca dalkaas.

Aadan Barre oo ah nin kasoo jeeda Beesha Axmed Madoobe [Ogaadeen], ayaa la kulmay RW Xamza oo isla qabiilkiisa ah, waxayna yeesheen wadahadallo taabanaya xiririka labada dal.

Sida Keydmedia Online xogaha ku heshay, Xamza iyo Aadan Ducaale ayaa kawada hadlay amniga Geeska Afrika, midka labada dal wadaagaan, dib u furida xadka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Soomaaliya waxaa haystay xasillooni-darrada ay sababeen khilaafaadyo iyo dagaallo, iyadoo ay jiraan caqabadahaas oo dhan ayay sii waday xiriirka iyo inay noqoto deris wanaagsan oo Kenya la saaxiib ah," ayuu yiri Wasiir Aadan Ducaale.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Axmed Madoobe, Wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, xubno kale oo ka socda labada dowladood, oo hadda xiriikooda soo hagaagaya.

Kenya ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad 4,000 oo askari, oo ka howlgala Jubbaland, halkaasoo ay ku ilaalinayaan Axmed Madoobe, oo u ah xukuumadda Nairobo saaxiib dhaw.

DAAWO SAWIRRO:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.