RW Xamza oo ka hadlay jawaabta Baarlamaanka ka bixiyay codsigiisa

Faragelin ayaa la sheegay in Xamza uu kala kulmaya xafiisyada sare, oo raba in rag ay wataan loogu daro Gollaha Wasiiradda cusub, sida Keydmedia Online ay ogaatey.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo ka hadlay jawaabta Baarlamaanka ka bixiyay codsigiisa

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Gollaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda, ee uu ka codsaday.

Xamza ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la'aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay'adaha Qaranka.

Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed," ayuu ku xusay Ra'iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Ra'iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Faragelin ayaa la sheegay in Xamza uu kala kulmaya xafiisyada sare, oo raba in rag ay wataan loogu daro Gollaha Wasiiradda cusub, sida Keydmedia Online ay ogaatey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.