RW Xamza oo Wafdi sare u diray Buulo-Burde kadib qarax ka dhacay

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta Ciidanka dowladda gobolka Hiiraan, oo laga saarey dhowr degaan, iyadoo Kooxda ay hadda soo food-saartay xaalad adag kadib markii dadkii degaanka ku kaceen.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo Wafdi sare u diray Buulo-Burde kadib qarax ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa gaarey degmada Buulo-Burde, ee gobolka Hiiran, halkaasoo dhawaan uu ka dhacay qarax Is-miidaamin ah oo lagu dilay dhowr, oo askar ay ku jirto.

Axmed Maclin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa wafdiga oo Xildhibaan ay ku jiraan hogaaminaya, waxayna ku tageen degmada diyaarad helicopter ah, oo Muqdisho kasoo qaadey.

Ujeedka ayaa ah inay u kuur-galaan xaaladda magaaladda, dhanka amniga iyo bini'aadanimada, waxayna kulamo la leeyihiin Madaxda maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda.

Safarka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay qarax ku burburisay buunada magaaladda looga gudbo webiga Shabeelle, iyadoo taasi saameyn xagga isku socodka iyo ganacsiga ku yeelatay.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta Ciidanka dowladda gobolka Hiiraan, oo laga saarey dhowr degaan, iyadoo Kooxda ay hadda soo food-saartay xaalad adag kadib markii dadkii degaanka ku kaceen.

Guulo la taaban karo ayay Ciidamada dowladda iyo Macawiisleey ka gaarey dagaalka Hiiraan, halkaasoo Kooxda laga saarey degaanno badan, oo suurta-geliyay in go'doonka laga qaado degmooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.