Saameynta haraadiga walxaha qarxa 2020 iyo 2021

Sanadkii 2020, 501 qof oo rayid Soomaali ah, ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay walxaha qarxa, halka sanadkii na-weydaartay ee 2021, tirada waxyellowday ay gaartay 669 qof, qaraxyo haleen, taasoo hoos u dhigeysa dadaallada lagu ilaalinayo bad-qabka rayidka.

Warar Keydmedia Online
Saameynta haraadiga walxaha qarxa 2020 iyo 2021

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli sanad kasta maanta oo kale loo asteeyay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee ka wacyi gelinta miinooyinka, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay, ay in ka badan 1000 [Kun] qofood dhibanayaal u noqdeen wal-xaha qarxa.

James Swan, ayaa sheegay, in haraadiga qaraxyada ka dhasha miinooyinka baaqiga ka ah colaadaha Soomaaliya ee muddada socday, ay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka, laga soo bilaabo goobaha lagu ciyaaro, [Garoomada] ilaa waddooyin, dhul beereed ilaa guri.

Sii socoshada isticmaalka walxaha qarxa ayaa khatar weyn ku ah dalka iyo dadka," ayuu yiri Swan, wuxuuna sheegay in QM, ay ka go'an tahay in Dowladda Federaalka iyo DXDF ay kala shaqeyso, suulinta haraadiga qaraxyada, tasoo sahlaysa dhismaha nabadda.

Sanadkii 2020, 501 qof oo rayid Soomaali ah, ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay walxaha qarxa, halka sanadkii na-weydaartay ee 2021, tirada waxyellowday ay gaartay 669 qof, qaraxyo haleen, taasoo hoos u dhigeysa dadaallada lagu ilaalinayo bad-qabka rayidka.

Xaafiiska QM ee Soomaaliya, ayaa sheeyay in ay si dhow ula shaqeynayaan, khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista, iyadoo kor loo qaadayo aqoonta ay Somaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

“Taageerada waxaa ka mid ah  dhimista khatarta walxaha qarxa, bixinta sahan iyo hawlo nadiifin ah, caawinta dhibbanaha, burburinta kaydka, iyo u doodista u hogaansanaanta shuruucda caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNSOM.

Hal-ku-dhegga maalinta caalamiga ah ee sannadkan ayaa ah ‘ Dhul amman ah , tallaabo amman ah , iyo guri ammaan ah.’ Waxay ujeeddadeedu tahay in la xoojiyo dadaalladii la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafay si Soomaaliya looga xoreeyo khataraha qarxa.

Soomaaliya, waa mid ka mid ah waddamada ugu badan ee haraadiga qaraxyadu meel kasta daadsan yihiin, maadaama in ka badan muddo 30 sano ah, ay ka hol cayaan dagaallo aan kala joogsi lahayn, isla-markaana aysan jirin hay’ad miino saar oo si rasmi ah u shaqeysa.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.