Saddex Qof oo lagu dilay Ceelasha Biyaha

Saddex Qof oo Shacab ah ayaa maanta lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

Sida uu shaaciyay Radio Kulmiye, saddexdaan Qof oo la socday gaari BL ayaa xabaddo lagu furay markey marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha. 

Goobjoogayaal oo la hadlay idaacadda ayaa sheegaya in Ciidammo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xabadda fureen, inkastoo aan wali la xaqiijin karin warkaas. 

Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dhacdadaan. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.