Safiirka Cusub ee Mareykanka oo Kulamo Muqdisho ka billaabey

Dowladda Mareykanka ayaa cadaadis xoog leh saareysa Madaxda Soomaaliya, oo ugu hanjabtay xayiraado dhanka Fiisaha.

Warar Keydmedia Online
Safiirka Cusub ee Mareykanka oo Kulamo Muqdisho ka billaabey

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka cusub Mareykanka dhawaan usoo dirtay Soomaaliya Larry Andre, ayaa Muqdisho ka wada kulam siyaasadeed oo la yeelayo madaxda sare ee dalka.

Muqdisho ayuu Maanta kula kulmay Ra'iisul Wasaare Rooble oo kala hadlay arrimo ay kamid ahaayeen doorashadda iyo amniga, iyadoo kulankooda intiisa badan ahaa mid is-barasho ah.

Mareykanka ayaa dhawaan shaaciyay inuu xayiraad saarey shaqsiyaad uusan magacaabin oo kamid ah madaxda Soomaaliya, wuxuuna ku baaqey in doorashadda lagu dhameeyo Feb 25.

Liiska dadka la cunaqabateeyay waxaa ku jira Farmaajo iyo Fahad Yaasiin [Halkan ka akhriso], iyadoo dowladda Mareykanka shaacin doonto magacyada, hadii aan doorashadda la qaban.

Saameynta Mareykanka ayaa laga dareemayaa Soomaaliya, waxaana culeyska ugu badan wajahaya madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, oo ah saamileyda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.