Safiirka cusub ee Mareykanka oo qaadey tallaabadii ugu horeysay

Waa safiirkii 3aad oo tan iyo 2016 dowladda Mareykanka usoo direyso dalka Soomaaliya, oo hadda ku leedahay Safaarad, taasoo taalla Xalane.

Warar Keydmedia Online
Safiirka cusub ee Mareykanka oo qaadey tallaabadii ugu horeysay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday  Soomaaliya Larry André.

Waxay labada dhinac ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda, isagoo Danjire André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waa tallaabadii ugu horeeyay oo Safiirka Mareykanka qaado iyo markii uu yimid Muqdisho maalmo kahor, waxaana lagu wadaa in tallaabada xigta ay noqoto inuu warqadaha aqoonsiga u gudbiyo Farmaajo.

Lama oga inuu tagi doono Villa Soomaaliya, maadaama danjirihii isaga ka horeeyay Yammamoto loogu tagi jiray Safaaradda, isagoo weligiisa cabsi darteeda aan u tagin KM4 mudadii saddexda sano ee uu joogay Muqdisho.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya aqoonsaday 2013 xili Obama, oo Xasan Sheekh xukunka hayay, waxaana Washington ka leedahay dalka dano amni, oo ay kula dagaalamayso Al-Shabaab, oo khatar ku ah maslaxadeeda mandiqada Bariga Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.