Sarkaal Ciidan oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab oo guuldarooyiin kala kulantay dagaalka ka socdo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kordhisay dilalka qorsheysan ee ay ka fulinayso Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ku dishay Sarkaal sare oo katirsanaa Ciidana Militeriga dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa falkan.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Internet-ka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu ahaa Sarreeye Guuto, oo Militeriga katirsanaa, kaasoo aysan magaaciisa shaacin.

Wali dowladda kama hadlin dilka dhacay, oo kusoo beegmaya xili shalay AMISOM qarax miino lagula eegtay degaanka Arbacow, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.