Sarkaal Ciidan iyo askar lagu dilay gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka degmada Buula-Burde, halkaasoo dhawaan Ciidanka dowladda ka billaabeen howlgallo jidka lagu furayo.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal Ciidan iyo askar lagu dilay gobolka Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal sare oo kamid ahaa Ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray Col Muumin Jiis iyo afar askari oo katirsanaa Ciidanka dowladda, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dagaalka oo shalay ka dhacay duleedka Buulo-Burde ay ku dhaawacmeen Saraakiil ay kamid yihiin Cali Dhammeey, Xuseen Waasuge Xeylle, Siyaad Axmed Max'med Indhooy iyo Geesaweyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda kasoo saartay dagaalka, iyadoo sheegtay in 30 xubnood oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab lagu dilay weerar ay ku qaadeen tuulooyin nawaaxiga Buulo-Burde ku yaalla, oo laga go'doomiyay degmada.

Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ka qeyb qaatay dagaalka, waxaana la ogeyn dhankooda khasaaraha kasoo gaarey. Duulaanka cusub waxaa hogaaminaya gudoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte, waxaana ujeedka uu yahay in la isku furo degmooyinka gobolka, oo Al-Shabaab go'doomisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.