KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxa uu qaraxa imaanayaa xili Jubbaland ay qorsheynayso inay dhawaan billowdo doorashadda Aqalka Hoose, oo kuraastii ugu horeysay lagu dooran doono Kismaayo.
KISMAAYO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo kamid ahaa hay'adaha amniga maamulka Jubbaland ayaa Maanta lagu dilay qarax ka dhacay magaaladda xeebta ku taalla, ee Kismaayo.
Axmed Gurey ayaa katirsanaa Sirdoonka Jubbaland, waxaana lagu dilay qarax loogu xiray Gaarigiisa xili uu ku jiray Masjid Maanta, waxaana dhaawac soo gaarey dad kaloo la socday.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxaana qoraal ay soo saartey ku sheegtay in Axmed Gurey uu ahaa Sarkaal ay ku raadjoogeen, oo marar badan ka faktay.
Maamulka Jubbaland ayaa cambaareeyay dilka Sarkaalka, oo ay ku tilmaameen mid laga qalqal gelinayo amniga Kismaayo, oo dhawaan lagu qabanayo doorashadda Aqalka Hoose.
Axmed Madoobe oo horey Al-Shabaab uga tirsanaa ayaa hogaamiya Jubbaland, waxaana tan iyo markii uu Kismaayo Taangiga Kenyantiga ku qabsadey 2012 uu dilay dad kasoo horjeeday.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.