Sarkaal ka tirsan Haramcad oo lagu xiray dalka dibadiisa

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ciidanka Haramcad, ayaa lagu xiray dalka Itoobiya, wax yar kadib markii mucaaradku sheegeen in ay dacwo ka dhan ah Gorgor iyo Haramcad u gudbinayaan Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsan Haramcad oo lagu xiray dalka dibadiisa

ADIS-ABABA, ITOOBIYA – Xogo hoose oo ay heshay Keydmedia Online, ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, lagu xiray magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay xaqiijinayaan ilo Sirdoon, Axmed Dirir oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada booliska Haramacad ayay xabsiga dhigeen Axadii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Itoobiya.

Keydmedia Online, si rasmi ah uma xaqiijin karto jiritaanka dhacdadaan, balse ilo-wareedyo kala duwan ayaa ku adkeysanaya in Axmed Dirir, xabsiga la dhigay si loo weydiiyo su’aalo sirdoon, oo safarkiisa ku qotoma.

Axmed Dirir, ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay oo ka tirsan ciidamada Turkigu tababaray oo lagu xiro dalka dibaddiisa, mana-cadda sababta ka danbeysa xariggiisa, hayeeshee, wuxuu ka mid yahay shaqsiyaad mad-madowyo xooggan dul-hoganayaan.

Dirir, wuxuu qeyb ka yahay saraakiil hore dacwo looga gudbiyay, kuwaas oo loo heysto dilalka aan sharciga aheyn ee ka dhacayay gudaha Soomaaliya sanadahihii la soo dhaafay, wuxuuna aad ugu dhow yahay Farxaan Qaroole, oo ka mid ah adeegayaasha Farmaajo.

Ilo loo-qateen ah, ayaa ku warramaya in xubno sare oo ka tirsan mucaaradka Farmaajo ay waraaq dacwo ah u qoreen Dowladda Turkiga, taas oo ay kaga dacwonayeen ciidanka uu dalkaasi tababaray ee sida qaldan ugu adeegaya Farmaajo.

Gorgor iyo Haramcad, waxaa hore loogu eedeeyay in ay dad shacab ah ku xasuuqeen Baydhabo iyo Dhuusabareeb, si kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan u boobaan doorashooyin ka dhacayay magaalooyinkaas.

Muqdisho waxa ay ka hirgaliyeen caburin shacab iyo caga-jugleynta siyaasiyiinta, waxaana loo adeegsaday, is-hor istaaggii bannaan-baxyadii ka dhanka ahaa Farmaajo, iyo weerarradii lagu qaaday madaxdii hore ee dalka.

Sannadkii hore, Sirdoonka Jabuuti ayaa Turkiga ku celiyay diyaarad uu la socday agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka [NISA] eedeysane Fahad Yaasiin, xilli duulimaadkiisu [transit] ku ahaa garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Tallaabooyinkaan waxa ay muujinayaan in saraakiisha muddada dheer Farmaajo uga shaqeynayay dilka, dhaca iyo caburinta, ay fudutahay in lala xisaabtamo marka ay dalka ka baxaan, maadaama uusan waddanku lahayn garsoor madax-bannaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.