Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Sarkaal ka tirsanaa kooxda mintidiinta ah ee Al-Sahabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Dowladda iyo kuwa Nabad ilaalinta ee AMISOM

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

QORYOOLEY, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose kusoo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Aagga degmadaasi, kaasoo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Sida la sheegay Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa waxaa degmada kusoo dhaweeyay taliyaha Ciidamadda madaniga Col Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM.

Marar badan oo hore ayey Ciidamada Dowladdu soo bandhigeen Saraakiil ay ku sheegeen in ay muhiim ahaayeen balse lagala kulmay dhibaato ay kamid tahay is qarxin iyo in ay xog siiyaan kooxda oo markii horeba aysan kasoo goosan balse shaqo usoo aaday iyo in ay xog bixiyaan.

Ciidamada Dowladda iyagoo aan ku sameyn dhaqan celin, islamarkaana aan ku bixin dadaal dheer oo lagu xaqiijinayo sheegashadoodii hore ee soo goosashada ayey howl galiyaan.

Inbadan waxaa dhacday in laga dhigo dhar-cad, kaddibna ay la shaweeyaan saraakiisha sare ee dhar-cadka ah kuwaasoo ugu dambeyn isku daya in ay khaarajiyaan sidii hadda kahor ka dhacday Agagaarka Daalo ee jidka Soddonka, halkaasoo nin soo goostay uu isku qarxiyay taliyihii Ciidamada dhar-cadka ee aagga Daallo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.