Xeydaabka Villa Somalia oo lagu qabtay Sarkaal Al-Shabaab ah

KON ayaa ogaatay in sidoo kale xabsiga la dhigay labo sarkaal oo ka tirsan ilaalada Villa Somalia kuwaasoo ninka ka tirsan Al-Shabaab uu sheegay in ay u fududeeyeen inuu soo dego guri aan ka fogeyn Madaxtooyada oo ah xarunta dowladeed ee ugu muhiimsan dalka.

Warar Keydmedia Online
Xeydaabka Villa Somalia oo lagu qabtay Sarkaal Al-Shabaab ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilo xog ogaal ah ayaa warsidaha Keydmedia Online u xaqiijiyay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kaas oo degganaa guri aan ka fogeyn Villa Somalia.

Sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la shaacin ayaa la qabtay xilli uu socdo baaritaanka ciddii ka danbeysay iyo shaqsiyaadkii fududeeyay qarixii dhawaan ka dhacay Villa Rays oo ku yaalla darbiga Madaxtooyada, halkaasoo lagu dhaawacay Wasiirka Amniga.

Ilaha xogta la wadaagay KON ayaa xaqiijiyay in ninka la qabtay uu watay aqoonsiyo kala duwan oo uu ku mari jiray Checkpoints-ka magaalada, isla-markaana uu ku taki karay xafiisyo sarsare oo Dowladda ah oo uu ku jiro xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waddanka.

Xogtu waxa ay intaas ku daraysaa in guriga laga qabtay sarkaalkaan laga helay waxyaabo muujinaya inuu qeyb ku lahaa weerarkii Villa Rays, Sida qariiradda aagga Madaxtooyada iyo calaamado muujinaya guryaha ay daggan yihiin siyaasiyiinta ee aaggaas.

KON ayaa ogaatay in sidoo kale xabsiga la dhigay labo sarkaal oo ka tirsan ilaalada Villa Somalia kuwaasoo ninka ka tirsan Al-Shabaab uu sheegay in ay u fududeeyeen inuu soo dego guri aan ka fogeyn Madaxtooyada oo ah xarunta dowladeed ee ugu muhiimsan dalka.

Weerarkii Villa Rays ayaa la rumeysan yahay in ay fududeeyeen gacmo ka baxsan Al-Shabaab maadaama ay adag tahay in ciidamo aan la aqoon ka gudbaan Checkpoints-ka  aagga Madaxtooyada. Dadka la xiray waxaa ku jira qaar ka mid ah shaqaalaha hotelka.

Weerar Villa Rays oo ah midkii 2-aad ee howl-galkiisu qaatay waqtiga ugu dheeraa kadib weerarkii Hotel Hayat ayaa sidoo kale noqday weerarkii 3-aad ee Al-Shabaab hotel ku galaaan tan iyo bishii Agoosto  ee sanadkaan. Tawakal hotel, Hayat hotel iyo  Villa Rays.

Waxaa si weyn la isku weydiinayaa waxa sababay in dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ceynkaan ah ku qaadaan xarun la mid ah Villa Rosa oo ay ku hareereysan yihiin ugu yaraan shan ‘Checkpoint’ oo ah kuwa ugu muhiimsan ee laga sugo amniga Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.