SAWIRRO: Qarax Gaari oo gil-gilay Muqdisho

Burbur xoog leh baa gaarey Iskuulka Mocaasir ee ku yaallay wadada dhinaceeda, iyadoo Maanta ay ahayd Khamiis, oo ardayda fasax ku jireen.

Warar Keydmedia Online
SAWIRRO: Qarax Gaari oo gil-gilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Gaari nooca Surf loo yaqaano oo lagu soo xiray walxo qarxa ayaa loo adeegsadey qarax Saakay aroortii hore gilgiley Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan oo laga maqley inta badan magaaladda, wuxuuna ka dhacay Jidka Mashquulka badan ee C/qaasim, iyadoo lala eegtay kolonyo ay wateen AMISOM.

Sawirro Goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya burburka baaxadiisa, oo inta badan gaari Iskuulka Mocaasir, oo wadada dhinaceeda ku yaalla. Ardayda fasax ayay ahaayeen Maanta.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo ah shacab jidka marayay. Dhaawacyada waxaa loola cararay Isbitaallada magaaladda, iyadoo illaa hadda tirada dhimashadda la sheegin.

Qaraxa waxaa sheegatay Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna noqonayaa midkii 2aad tan iyo 20-kii bishan, oo kii ugu dambeeyay lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho C/casiis Afrika.

Muqdisho ayaa gashay xaalad amni darro, kadib markii Xukuumadda Rooble ku mashquushay doorashadda, oo hay'adaha amniga iska seexdeen, maadama aan jirin cid la xisaabtanta.

SAWIRRO

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.