SAWIRRO: Sidee looga Ciiday Muqdisho?

Masjidka oo Maanta ka daah-furay, ayaa waxuu kulmiyay madax sare oo kale duwan, kuwa hadda xafiiska joogo iyo kuwa hore, oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu kamid yahay.

Warar Keydmedia Online
SAWIRRO: Sidee looga Ciiday Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda qaranka ayaa Saakay Salaadda Ciidul Adxaa iskula tukadey Masjid weyn oo Maanta la daah-furay, kaasoo ku yaalla wadadka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala qeybgalay boqolaal dadweyne Salaadda Ciidda, oo lagu oogay Masjidka Cali Jimcaale oo dhowaan uu dhisay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, Mulkiilaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Masjidka oo $12 milyan oo dollar ku baxday dhismihiisa, ayaa Maanta la daah-furay, waxuuna kulmiyay madax sare oo kale duwan, kuwa hadda xafiiska joogo iyo kuwa hore.

Guud ahaan Caasimadda si wanaagsan ayaa Maanta looga ciiday, iyadoo amniga uu yahay mid fiican, oo aanay dhicin wax shaqaaqo ah, taasoo timid kadib markii Ciidamo la geeyay wadooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.