Sawirro Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Kismaayo

Kismaayo ayaa sanadahaan dambe ka mid noqotay magaalooyinka ay Al-Shabaab weerarada iyo dilalka qorsheysan ka geystaan.

Warar Keydmedia Online
Sawirro Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya – Maamulka Jubaland ayaa soo bandhigay rag la sheegay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab, kuwaasoo weeraro iyo qaraxyo ka fuliyay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Taliska Nabad Sugidda Jubaland ayaa soo bandhigay ragaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen aagga jiinka Webiga ee Tuulada Yuuntoy.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa warbaahinta gudaha u soo bandhigay Bambaanooyin iyo Miinooyin la sheegay in ay Kooxda Al-Shabaab ku duugatay xaafada Shaqaalaha, gaar ahaan Suuqa sariiraha ee Kismaayo.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in raggaan dhawaan Maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalena ay ku daba joogaan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayo xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Bilowgii Bishan ayay aheyd markii weerar Bambaano ah xilli habeen ah lagu qaaday maqaayad ku taallo isgoyska Siinaay ee magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku dhinteen 3 ruux, shan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.