Seefta Rooble oo saaran qoorta Wasiirka Batroolka

C/raxmaan Cabdishkuur oo Maanta ka hadlay Heshiiska ayaa sheegay in Farmaajo uu ku caanbaxay inuu mas'uuliyiinta ku inkiro marka howl uu isaga u diray fashilanto, oo culeys kala kulmo.

Warar Keydmedia Online
Seefta Rooble oo saaran qoorta Wasiirka Batroolka

MUQDISHO, Soomaaliya - Hantidhawraha ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in heshiiska Shidaalka, ee uu Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed uu yahay mid sharci-darro ah.

Wuxuu Gal-dacwadeed baaris u diray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, iyadoo laga dalbadey Ra'iisul Wasaare Rooble inuu shaqada ka joojiyo Shaqsiyaadka ku lugta leh Heshiiska mugdiga ku jira.

Heshiiskan oo lala galay Shirkadda afar sano dhisan, oo wax qibrad hore u lahayn arrimaha shidaalka ayaa Wasiirka Batroolka sida uu sheegay waxaa fududeeyay Farmaajo inuu saxiixo.

Shirkadda lala galay Heshiiska oo lagu magacaabo Coastline Exploration Limited, ayaa fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, waxaana la filayay inay 7 milyan ku bixiso 30 maalmood.

Shirkaddan ayaa horey loo oran jiray SOMA OIL & GAS, oo Khayre saami ku lahaan jiray, taasoo Ingiriiska ka carartay markii dacwado Maxkamad uga soo furmeen musuq-maasuq dartiisa.

Hantidhawrka ayaa falkan ku tilmaamay xatooyo hanti qaranka, isagoo faray Wasaaradda Arrimaha Dibadd Soomaaliya inay baaris ku sameyso haddii lacag kale oo qarsoon lagu cunay.

C/raxmaan Cabdishkuur oo ka hadlay Heshiiska ayaa sheegay in Farmaajo uu ku caanbaxay inuu mas'uuliyiinta ku inkiro marka howl uu isaga u diray fashilanto, oo culeys kala kulmo.

Halkan hoose ka akhri qoraalka Hantidhawrka:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.