Senator ka tirsan Aqalka Sare oo farriin u diray Farmaajo

Mid kamida Senator -rada Aqalka Sare ee BJFS ayaa farriin u diray Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Senator ka tirsan Aqalka Sare oo farriin u diray Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Ilyaas Cali Xasan oo kamida Aqalka Sare ee BJFS ayaa farriin u diray madaxweynaha xilka isku dhajinaya ee Farmaajo, waxa uuna xasuusiyay bisha lagu guda jiro in ay tahay Ramadaan, sidoo kalena waxa uu ka cararayo in ay tahay doorasho oo ah sidii isaga markii horeba lagu soo doortay!

"Nasiib daro kaweyn majiro maanta iyadoo lagu guda jiro bishii barakeysaneed ee Ramadan, in ay Shacabka Soomaaliyeed ee deganaa magaalada Mogadishu uga qaxayaan hal qof oo kursi isku dhejinaayo diideyna in uu qabto Doorashadii uu shaley isaga laftiisa kuyimid!" ayuu yiri Senator Ilyaas.

Waxa uu intaasi sii raaciyay Senator -ka "Caqligu ha shaqeeyo, ma aaminsani waxaan nabad iyo heshiis Doorasho aheyn in lagu gaari karo dantaada"

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.