Shabaab iyo shacabka Ceelcirfiid oo wali isfahami la’

Muqdisho (keydmedia) Waxaa wali jira muran u dhaxeeya kooxda Shabaab iyo shacabka ku nool deegaanka Ceel-cirfiid ee duleedka Muqdisho dhanka xiga gobalka Sh.dhexe.
Warar Keydmedia Online

Shabaab ayaa xalay bandow ku soo rogay deegaanka Ceelcirfiid waxaana ay gacanta ku dhigeen oo ay xabsiga u taxaabeen 8 qof oo ay tuhmeen in ay horseed ka ahaayeen abaabulka dibad baxayo ka dhan ah Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xalay ay sii daayeen Shabaabku 50 qof oo ay xabsiga u taxaabeen kadib dibad bax darraad ka dhacay deegaanka ceel-cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dibadbaxaasi ayaa ka danbeeyay kadib markii Shabaabka ay la wareegeen  raashiin loo waday dadka dhibaateysan ee ku nool deegaanka ceelcirfiid.

Www.keydmedia.net

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.