Shabaab oo dad ku xirxiray duleedka Kismaayo

Kismaayo(keydmedia) Ciidamada Al-shabaab ee ka taliya gobalka J.hoose ayaa shalay galinkii danbe ku xiray deegaanka Hoosingow ee dhaca xadka ay wadaagaan Jubada hoose iyo Kenya ku xirxiray seddex dhalinyara ah.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyarada la xiray ayaa ahaa wiil iyo laba gabdhood, waxaana wiilka magaciisa lagu sheegay Max’ed Ismaaciil iyadoona xarigaasi uu ka danbeeyay dagaal dhex maray dadka deegaanka iyo shabaab kaasoo shabaabku ay xoola badan ku laayeen.

Lama oga ilaa iyo hadda halka ay ula dhaqaaqeen shabaabka dhalinyarada ay xirxireen, waxaana la rumeysanyahay in qeyba ka mid ah xabsiyada ay wax ku ciqaabaan ay ula dhaqaaqeen.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.