Shabaab oo Dhaqtar ay xireen sii daayay

Ceelbuur(keydmedia) Kooxda Shabaab ee ka talisa degmada Ceebuur ee gobalka Gal-guduud ayaa xabsiga ka sii daayay xalay nin dhaqtar ah oo ay qafaaleen horaantii todobaadkan.
Warar Keydmedia Online

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Max’ed Dhuxulow oo ka shaqeynayay MCH ku yaala deegaanka Ceelmiigaag oo ku yaala duleedka degmada ceelbuur ee gobalka Galguduud.

Shabaabku ma aanay sheegin sababta ay u xireen ninkan, waxaana goobjoogayaasha deegaanka ay sheegeen in Mr Dhuxulow uu xoriyadiisii dib u helay habeenkii xalay ahaa isagoona ka gaabsaday in dadka uu uga sheekeeyo ficiladii lagula kacay mudadii uu xabsiga shabaab ku jiray.

Dhanka kale waxaa wali xabsiyada Shabaab ee degmada ceelbuur ku jira dad kale duwan oo ay xirxireen dhawaantan.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.