Shabaab oo Hiiraan dhalinyaro ku karbaashay

Hiiraan(keydmedia) Alshabaab ayaa deegaanka Muqikori oo hoos taga degmada jalalaqsi ee gobalka Hiiraan waxa ay ku karbaasheen dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay ka qeyb galeen mashxarada fantasiyo aroos.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyarada ay Shabaab ka soo qabteen xaflada arooska ayaa tiradooda lagu sheegay 11 isugu jirtay wiilal iyo Gabdho, waxaana shalay galinkii danbe 4 ka mid ah dhalinyaradaasi ay shabaab ku dhifteen min 20 karbaash.

Shabaabka ayaa kol hore waxa ay soo saareen amaro ay ku xakameynayaan farxadda iyo fantasiyaha arooska iyagoona dadka ku dhaqan deegaanada ay ka taliyaan ku qasbay in aanay aroosyada sida ay doonaan ugu mashxaradi Karin.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.