Shabaab oo isbaaro dhigtay Ceelasha biyaha

Ceelasha(keydmedia) Wararka laga helayo deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi saakay ay Al-shabaab soo dhigteen isbaarooyin lacago sharci darro ah looga qaadayo gaadiidka dadweynaha
Warar Keydmedia Online

Shabaabka ayaa dhigtay isbaaro halka kala beerta gobalada Sh.hoose iyo Banaadir, waxaana gaadiidka ay si qasab ah uga qaadayaan lacago cadadkooda lagu sheegay 20-kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Kooxda Shabaab oo dhawaan la wareegtay deegaanka ceelasha Biyaha iyo qeyba badan oo ka mid ah Sh.hoose ayaa waxa ay wadooyinka ka qaadeen isbaarooyin hore ugu yaalay kooxdii awoodeeda ay burburtay ee xisbiga xasan Daahir.

Gaadiidleyda ka shaqeysa wadadaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ula yaabanyihiin shabaabka isbaaradan ay soo dhigteen maadaama kol hore ay isu muujinayeen in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda isbaarooyinka

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.